Assalaamu calaykum
Asc
Runtii dad badan oo ahla qayr ah ayaa maalin walba si isdabajoog ah u bixinaaya sadaqada waxaan Illaah ugu baryeynaa in uu janada ka waraabiyo aduunka qayr badan ku siiyo aaaamiin
Asc
Walaalayaal wax la sugaa ma yaaliin ee ka qayb qaado wanaaga lagu taagayo guri kamid ah guryaha Illaah
Assalaamu calaykum
Walaalayaal arinkaan uma baahna faah-faahin badan oo qof walba oo muslim ah oo uu qalbigiisa noolyahay doonayana in uu guri Janada looga dhiso waxa u horeeya oo uu ku fikiraya waa yaan lagaaga hormarin wanaaga iyo xasanaadkaan aanan dhamaanayn xataa haddii aad dhimato,oo wuxuu ogyahay qofka in masjidkaa lagu tukanaayo ajarkiisa uu u socdo, waxaa wax hoosta laga xiriiro ah meesha masjidka laga dhisayo ma,aha dhul banaan ee waa meel kaniisad ah oo wax Illah ka soo haray lagu caabudaayey baa la doonaya in loo bedelo Masjid,Masjid,Masjid,
Siyaabaha lacagaha loo bixiyo way badan yihiin waxaa ka mid ah in aad ku soo dirto accounka masjidka ama aad ku soo dirto xawalaadaha adiga oo ku soo diraya
Al-houda muslimiska center
Wadanka–Sweden
Magaalada-Flen
Tel:0720317994 Jamaal ama 0762241515 C/caziiz Baliile
Walaalayaal waxaad sugtaan meesha ma yaalaan ee cinwaanada waa kuwaa hoos ku qoran
Qofka Sweden degan ee sadaqada bixinaya.
Bank account 8257-8,93015183-2 ama Bankgiro:-699-7472
Hadii qofka bixinaya sadaqada uu degan yahay dibada wuxuu ku bixin karaa
international:-IBAN SE 40 8000 0825 7809 3015 1832 BANKENS BIC SWEDSESS . ACOUNTIGA WAXAA LEH -ALHOUDA MUSLIMSKA CENTER.
Kala soo xiriir tel:0720317994 –0046720317994 Jamaal. ama 0762241515 –0046762241515 Baliile ama 0767158909 –0046767158909 Dheelmaay ama emailada- ziizbaliile@baliile.com ama bismilaah@hotmail.com www.alhoudaflen.com
Asc
C/caziiz Baliile
Ajarka iyo xasanaadka lakala boobayo wax miyaad ka heshay
walaalayaal waxaan wada ognahay in meel kaniisad ah oo Illaah qayrkii lagu caabudayey aynu doonayno in aan kadhigno guri Illaah lagu caabudo (Masjid) waxaana socda kaqaybqaadashadiisii maal iyo caqli iyo xoogba dada badana way ka faaiidaysteen oo way ka qayb qaateen ilaa iyo haddana waxay u taagan yihiin
marka haddii uu sidaa arinku yahay adiga kawaab su´aalahaan hoos ku qoran:-
1-Caqli miyaad ku bixisay?
2-Maal miyaad ku bixisay?
3-xoog miyaad ku bixisay?
Haddii ay jawaabtaada maya tahay soo ksms qadin qayrkaa lakala boobayo ?
Waxaanse ku leeyahay walaalka muslimka ahoow weli fursad baad heesataa ee yaysan ku dhaafin
Maamulka masjidka Alhouda
asc
Xaafadaha soomaalida degantahay ayaa ka mid ah kuwa ugu dambiyada badan
Warbixin ay soo saartay Golaha ka horta dambiya Brottsförebyggande rådet
Continue reading
Sharciyada Cusub ee ku saabsan Soomaalida, Sweden
Natiijada maxkamada sare ee hey´adda laanta socdaalka oo ku saabsan xukunka Soomaaliya ee ugu danbeeye
Maxkamada hey´adda laanta socdalka waxeey,xukun cusub ku kordhisay in dagaalka loogu hubeensay uu ka socdo dhamaan Soomaaliya oo dhan — markii laga reebo Somaliland iyo Puntland oo ku yaalo waqooyiga Soomaaliya.
Hey´adda laanta socdaalka, waxeey hadda dulmareeysaa dhamaan arimaha khuseeyo soomaalida ka socoto meelaha la sheegay oo ku qoran hey´adda laanta socdaalka oo hadana helay go´an ku saabsan celin ama dal ka saarid. waxeey uu dulmareeysaa hey´addu si ee fuuriso haddii loo ogalaan karo sharci daganaansho. Arimaha qaarkood waxaa laga yaaba in ee uu baahanyihiin in la sii baaro. Sidaas haddii tahay hey´adda laanta socdaalka ayaa la soo xariiri doonto.
Haddii lagu diiday magangalyanimada oo aadna ka timid qeeyb ka mid ah Soomaaliya oo ah meelaha uu dagalka dhexe ka socdo, waxaad markaas xatta fursad uu lee dahay in aad si gooni ah uu la xariirto hey´adda laanta socdalka oo aadna dalban karta waxa loo yaqaan fulin-dhibaato (verkställighetshinder). Taasi mecnaheedu waxeey tahay in aad sheegto sababo cusub oo aada dalka ugu laaban karin. Si aad sidaan uu sameeyso waxaad wargalineeysaa hey´adda laanta socdaalka in heysato go´aan ku saabsan in lagu celiyo meelaha uu dagaalkad dhexe Soomaaliya uu uga socdo.
Arimaha galaayaa xeerka Dublin ma taabanaayo xukunka ka soo baxay maxkamada sare ee hey´adda laanta socdaalka
Xeerka dublin waxuu nidaaminayaa dalka mas´uulka arinta magangalyanimada qaadaayo. Dal kale oo ku jiro xeerka Dublin waxuu mas´uul ka ahaan karaa in uu tijaabiyo dalabkaada magangalyanimo. Sidaas darteed ayaa ku qasbanaa kartaa in aad halkaas aado. Waxeey ku saabsanaa kartaa oo ka mid ah arimahaan soo socdo:
Haddii aad ka heshay fiiso ama sharci daganaansho dal kale oo ku jiro xeerka
Haddii aad si sharci daro ah uu gashay dal raacsan xeerka Dublin
Haddii aad hada ko hor ka raadsatay magangalyo dal kale oo raacaayo xeerka Dublin
Xeerka-Dublin waxuu ka shaqeeynaa dalalka ururka Yurub, Noorwaay iyo dalka Islanda.
Källa: Migrationsverket.se
Dalka Sweden
Dalka Iswiidan waxa weeye dal dherer iyo dhumuc weyn leh oo ku yaal waqooyiga Yurub, gacankiisa loo yaqaan Skandinavien. Dalka Iswiidan waxay xuduud la leedahay Norway iyo Finland iyo Denmark oo ay isku xiraan buundada weyn ee Öresundsbron. Waxay dalka Iswiidan iyo dalalkaas iyo Iceland wadajir u yihiin dhulka juqraafi ahaan lagu magacaabo Norden.
Ballaciisa oo dhan 450 000 kilometer oo labajibbaaran waxay dalka Iswiidan ka dhigeysaa dalka shanaad oo Yurub ugu weyn. Dalka Iswiidan dhererkeedu waxa weeye 1 600 kilometer koonfur ilaa waqooyi, taas oo ka dhigeysa dal hodan ka ah cimilo iyo deegaanno kala geddisan leh. Hawada koonfurta dalka Iswiidan waa hawo dhexdhexaad ah oo badanaaba aan baraf lahayn, meesha ay waqooyiga hawo aad u qaboqdahay oo waqtiga qaboobaha ka jiraan fursado lagu raaci karo cayaaraha barafka. Kolka laga hadlo degaanka, waxaa koonfurta ku yaal dhulbeereed iyo kaymo daaq leh, meesha ay waqooyiga ku yaalliin kaymo iyo buuro oo ay ka mid tahay buurta Kebnekaise (2104 mitir badda ka sarraysa).
Dalka Iswiidan waxay kaloo leedahay harooyin fara badan oo dhan in ka badan 100000 haro. Harooyinka ugu waaweyni waxay kala yihiin Vänern, Vättern iyo Mälaren. Waxaa dalka Iswiidan ka yaal jasiirado badan. Labada ugu waaweyna waxaa la kala yiraahdaa Gotland iyo Öland. Labadaan jasiiradood waxay ku dhexyaalliin badda Östersjön. Öland waxaa dhulweynaha ku xira buundo.
Waxaa dalka Iswiidan ku nool dad tiradoodu dhan tahay in ka badan 9 malyan oo qof. Magaalamadaxa dalkuna waxa weeye Stockholm oo ah magaalada dalka Iswiidan ugu weyn. Waxaa magaalada Stockholm ku dad ka badan 800 000 oo qof, hareeraheedana 2 malyan. Magaalooyinka kaloo waaweyn waxaa ka mid ah Göteborg oo ay ku nool yihiin 500000 oo qof iyo Malmö oo ay ku nool yihiin 300000 oo qof.
Gobollada iyo waaxa dalka Iswiidan
Waxay dalka Iswiidan ka kooban tahay 25 waaxood. Waaxyaha loo yaqaan Landskap waa kuwo taariikh dheer salka ku haya. Waxaa qarniyadii dhexe iyaguna jiray gobolo ismaamula (oo lagu magcaabi jiray dalal) oo siyaasadda u madaxbannaanaa, lahaana xeerar iyo maxkamado u gaar ah. Waaxahaas ismaamulka oo ka kooban 25 waaxood waxaa hadda lagu beddelay 21 gobol (län). Waxaana isbeddelkaasi dhaqangalay sannadkii 1634, intaa wixii ka dambeeyana waaxyuhu ma aysan lahayn awood siyaasadeed iyo mid maamul. Arrimahaas waxaa hadda maamula 21 dowlad gobol iyo 20 gole gobol oo dalku ka kooban yahay.